Taliyaha Cusub Ee Qeybta 43aad Oo Maanta Xilka Kula Wareegaya Garbagaareey,Kadib Markii.

by Hiraan Xog | Saturday, Jul 14, 2018 | 124 views

Taliyaha cusub ee Qaybta 43-aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa la filayaa in Maanta uu xilka kala wareego taliyihii xilkaasi horay u haayey ee Janeraal Saxardiid.

Taliyaha ayaa la filayey in Maanta uu xilka kula wareego Magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo diiday shalay in uu ka dego Garoonka Magaalada Kismaayo,kadib ammar ka soo baxay laamaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay magacaabista Taliyaha qeybta 43aad aan lagala tashan Maamulkooda sidaaas darteedna aanay aqbaleyn magacaabistiisa iyo in uu tago Kismaayo.

Shalay gelinkii dambe ayuu gaarey degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo,waxaana taliyaha cusub iyo kii hore ee loo diiday in ay ka degaan Kismaayo la filayaa in maanta ay xilkaas kula kala wareegaan Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response