Maurizio Sarri oo loo magacaabay macalinka cusub ee Kooxda Chelsea

Hiiraan Xog, July 14, 2018:- Kooxda kubada cagta  chelsea ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in uu Maurizio Sarri noqday tababaraha cusub ee  kooxdaasi  isaga oo shaqada ka badalay Tababare Antonio Conte oo shaqada laga cayriyay dhexbartamihii asbuucii hore.

Maurizio Sarri ayaa ku soo biiray  Stamford Bridge kadib markii uu 3-sano uu ku  soo qaatay kooxda Napoli ee horyaalka dalka Talyaaniga

59 jirka ah ayaa  kooxda Napoli waxa uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed weerar ah isaga oo kooxdiisa ka dhigay mid ka mid ah kooxaha sida weeyn looga cabsado.

“Waxa aan sugi la’ayahay in aan bilaabo shaqada oo aan la kulmo xiddigaha kooxda Chelsea ka hor inta aanan xididgaha u raacin Australia ”ayuu yiri  Maurizio Sarri.

“Rajadeeydu waa  in aan taageerayaasha u soo bandhigi  kubad xiiso leh iyo in aan xilli ciyaareedka dambe u tartano koobab taas oo ah mid ay kooxda u qalanto”.

Sarri ayaa qalinka ku duugay heshiis 3-sano ah oo uu ku joogayo  garoonka Stamford Bridge

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply