Liverpool oo ugu dambeeyn la soo wareegtay Xherdan Shaqiri

Hiiraan Xog, July 14, 2018:- Xidiga xulka qaranka Switzerland ayaa ku biiray naadiga Liverpool ee dalka England wuxuuna kooxda usaxiixay heeshiis waqti dheer uu ku joogaya Liverpool asigoona ku baasay tijaabada caafimaadka ee xidiga laga qaaday

“Aad ayaan ugu faraxsanahya in aan halkaan joogo waa koox aad u weeyn oo leh taariikh cajiib ah. Ciyaartooy waa weeyn iyo macalim cajiib ah sidaas darted aad ayaan ugu faraxsanahy ku biirista naadiga Liverpool “ayuu yiri ka dib imaatikiisa kooxda.

“Ciyaaryahan walbo wuxuu jecelyahay in uu u ciyaaro koox weyn oo taariikh leh xoogaa sanado ka hor waxaan rabey in aan imaado halkaan laakiin iima suurta galiin” ayuu xidigaan hadalkiisa ku sii daray.

26-sano jirkaan ayaa Liverpool u soo dhaqaaqay kadib markii uu kooxda Stoke city  u saftay 59-kulan  seddex sano  uu ku suganaa kooxdaasi.

 





Be the first to comment

Leave a Reply