DHAGEYSO:-Dadka ku nool Xaafada Suuqa Xolaha oo ka cabanaya Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya

Hiiraan Xog

Dadka ku nool Xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya kuwaas oo todobaadyo is xigxiga Rasaas ku furay dad ku sugnay Suuqa Xafada oo mashuul badan ahaa waqtiyadaas.

Shalay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa Raas ku furay Suuqa Xaafada Suuqa Xoolaha inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeriyootay Rasaastaas tiro intaas ka badane way ku dhaawacmeen.

Todobaadkii hore sidaas oo kale Ciidamo ka tirsan Militiriga ayaa Raasaas ku furay dad ku sugnay isla Suuqaas dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka  ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ku qabaan Ciidamada Milatiriga Soomaaliya.

Wuxuuna dalbaday in dowlada ay wax ka qabato dhibaatooyinkaas soo laab-laabtay ee ay geysanayaan Ciidamo ka tirsan Militiriga Soomaaliya.





Be the first to comment

Leave a Reply