DAAWO: Eng.Yariisow oo ku hanjabay in uu Maxkamad soo taagayo Xubno katirsan Maamulka G/Banaadir & Shaqaale la eryayo….

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) Yariisow ayaa sheegay in talaabo laga qaadayo shaqaalaha dowladda hoose gaar ahaan kuwa aan soo xaadirin shaqada iskana qaata mushaarka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maxkamad la soo taagayo shaqaalihii ay ku soo cadaato in 5 bilood ee la soo dhaafay uusan shaqeyn mushaarna qaatay, sidoo kalena dhamaan lacagihii uu qaatay laga soo celinayo.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in aysan aqbali doonin in mushaar aan shaqadiisa la qaban la qaato hada kadib, wuxuu kaloo tilmaamay in la yareynayo shaqaalaha hada ka shaqeeya gobolka.

Waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn in shaqaale badan ay gobolka ka sii shaqeeyaan iyaga oo qaarkood aan soo xaadirin shaqada, islamarkaana ay dhamaatay xilligii Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta lagu tashan jiray.

“Shaqaalaha aan shaqa qaban ee mushaar iska qaata gobolkan ma xamili karo, shacabkana aysan ogolaan Karin, sidaas darteed waxaan bilaabeynaa isla xisaabtan dhab ah, 5-tii bilood ee ugu dambeysay shaqaalihii mushaar qaadanayay hadana aan shaqo qaban hay’adaha garsoorka ayaan u gudbineynaa talaabo sharciga waafaqsan ayaana laga qaadaa, lacag kasta oo gobolka uu ka qaatayna dib ayuu u soo celinayaa,” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu maanta daah furay barnaamij lagu tayaynayo shaqaalaha gobolka laguna bilaabayo isla xisaabtan dhab ah.





Be the first to comment

Leave a Reply