C/llaahi M. Nuur “Waxaa layaab ah in Acmaasha Xajka ee sanadkan uu qalqal u galo dano siyaasadeed iyo mid shakhsiyadeed”

by Hiraan Xog | Thursday, Jul 12, 2018 | 76 views

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Acmaasha Xajka ee Sanadkan ay u xiray tahay sidii Waddooyinka Muqdisho oo kale.

Muran xooggan ayaa ka jira arrimaha xajka, kaasoo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Shirkadaha heesta leenka xajka, waxaana arrinta xajka ka taagan ay sababtay inuu xilka ku waayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta.

Qoraal uu bartiisa Facebook uu soo dhegay ayuu ku sheegay inay nasiib darro ay tahay in qaqal la geliyo acmaashii Xajka, isla markaana ay shacabka Muqdisho ay ku jahwareeraan meel ay ka Helena Viisaha, iyadoo muddo ay ka harsan tahay Xajka.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Xildhibaanka

Gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan oo u xiran sidii waddooyinka Xamar oo kale.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo isu soo diyaariyay gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan, waxayna ka kala yimaadeen goballada dalka, balse waxaa nasiib darro ah inay Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ummaddii gelisay jahawareer ah inay garan waayeen shacabka Soomaaliyeed meel ay u doontaan Visihi Xajka iyo cid ay kala macaamilaan, kaddib markii lagu dhex milay howlaha xajka dano shakhsiyaad/shirkado gaar ah howlihii Xajkana waxaa loo xanibay dano ganacsi iyo kuwa siyaasadeed, lamana siin wax tixgelin ah shacabka duruufaysan ee doonaya in ay soo gutaan acmaasha xajka sanadkan 2018/1439 Hijriyadda.

Haddaba waxaan Madaxda Qaranka ugu baaqayaa inay ka tanaasulaan tixgelinta masaaliixda shakhsiyaadka gaarka ah lana tixgeliyo maslaxadda Xujayda Soomaaliyeed loona fududeeyo oo loo fasaxo shirkadaha ruqsada ka haysta labada dal in ay daabulaan xujayda maadaama waqtigi Visaha la dablbi jiray uu sii idlaanayo mudadii xajkana ay ka harsan tahay 1 bil oo kaliya, halka aan weli wax Visa ah la soo saarin, iyadooa Sanadkaan Soomaaliya loo qoondeeyay tiro ka badan 9 kun oo ruux inay soo xajiso, mana harin muddo lagu soo saaro 9 kun oo Viso, isla markaana lagu daabulo 9 kun oo ruux waxaan mar kale xusuusinayaa in ay madaxdu mas’uuliyad gaar ah iska saarto arrimaha xajka, halka ay ku mashquuleen in ay shaqada ka ceyriyaan kolba Wasiirka ama sarkaalka kale ee wax yar ka xishooda in ummadda la dhibo una fikira sidi loogu dhimri lahaa, waxaa kale oo aan mar walba aragnaa warqado is burinaya, kana soo baxaya xafiisyada laanta fulinta ee dalka oo aan ahayn kuwa ka turjumaya maslaxada dalka, welibana meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada dowladnimo, loogna gol leeyahay dano gaar ah.

Waxaan sidoo kale la soconnaa in Wasiirki labaad arrimahan dartood shaqada looga ceyriyay, sidoo kale saarkiil kale shaqada looga fadhiisiyay, waxaana layaab ah in markii u horeysay in Acmaashii Xajka ee sanadlaha ahaa uu qalqal u galo dano shakhsiyadeed iyo mid siyaasadeed oo laga wado Xafiisyada ugu sareeya dalkasa.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response