DAAWO SAWIRO:- Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Hiiraan Xog, Jun 19, 2018:- Maamulka gobolka Hiiraan heer degmo iyo heer gobol ayaa xarunta maamulka gobolka Hiiraan ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow)  ayaa Xafiiska maamulka gobolka Hiiraan ku qaabilay wakiilka Hay’ada (UNNeEEDED) ee Soomaliya mr Jonathon,waxaana kulanka looga hadlay side dowlada jabaan ay mashaariic hormarineed ugu fulin lahaayeen gobolka Hiiraan.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay qaabka dowlada jabaan ay ugu qeeyb qaadan lahaayeen mashaariic loo saameynayo dhalinyada ku nool gobolka Hiiraan.

Kulanka markii uu soo dhamadaay ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow),waxaana uu tilmaamay in dowlada Jabaan ay mashaariic loogu tala galay dhalinyarada ka fulin doonto gobolka Hiiraan,waxaana uu intaas ku daray in aay uga mahad celinayaan dowlada Jaban mashariicda ay ugu talagaleen dhalinyarada gobolka Hiiraan.

 





Be the first to comment

Leave a Reply