Nin Soomaali ah oo weeraray Masaajid ku yaalo dalka Koonfur Africa

Hiiraan Xog, Jun 14, 2018:- Nin Soomaali ah oo weeraray Masjid ku yaalo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.

Inta la xaqiijiyay  Weerarkaasi waxaa ku dhimatay labo ruux, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Saddex kale.

Sidda ay xaqiijiyeen ciidamada Booliska falkaan ayaa dhacay wax yar kaddib salaadii Tahjudka, waxaana ninka geystay falkan la sheegay inuu ahaa nin madaxa looga jiray ama qaba xanuunka dhimirka.

Ninka Soomaaliga ayaa la sheegay in uu muddo kunoolaa dalkaasi, islamarkaana mar uu ka mid ahaan jiray Ganacsatadda Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe toogtay ninka ku hubeysnaa tooreyda, kaddib markii uu isku dayay inuu soo weeraro ciidamada.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply