DAAWO VIDEO:- Deeq ka timid Walaalaha SOMCAB ee magaalada London oo la gaarsiyay dadka ay sameeysay Fatahaada magaalada Beledweyne

Hiiraan Xog, Jun 14, 2018:- Deeq gargaar ah oo ka timid walaalaha SOMCAB ee magaalada London ee dalka Ingariiska ayaa la gaarsiiyay dadka ay sameeysay Fatahaada Wabiga Shabeelle ee ku dhifatay magaalada Beledweyne.

Deeqdan ayaa soo aruuriyay dadka la ah,

1 Shiikh Maxamed Xasan Garweyne

2 Shiikh Aaden Daahir

3 Cali Cismaan Sandheere

4 Saciid Xaaji Kabaroole

5 Cabdi Mahad Maxamuud Gacal

Dadkaas oo dhan waxaa aay wakiil ka yihiin dhamaan darawalada Tagaasida ee magaalada London ee lagu magacaabo (TAXI BLACK CAB DRIVERS) eek a shaqeeya magaalada London ee cariga Ingariiska.

Deeqdan lacageed oo gaareysa 6240 Pownd oo u dhiganto $ 8205 Dollar,waxaana aay u soo wakiisheen Xaaji Cismaan Dhagaxoow oo ah madaxa shirkada Dahabshiil Bank ee gobolka Hiiraan.

Lacagtaas ayaa lagu iibiyay Raashiin kala ah Baris 50 Kg/ Sonkor 50 Kg iyo Saliid 3 Liitar,waxaana la gaarsiiyay 200 oo qoys oo ku dhaqan afarta xaafad ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO,

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply