AKHRISO:- Soomaaliya ciyaartooy ugu dirtay Koobka Adduunka

Hiiraan Xog, Jun 9, 2018:- Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa 3 ciyaartooy u direy dalka Ruushka, halkaas oo ay u daawasho tagayaan ciyaaraha, islamarkaasna qeyb ka noqonayaan ciyaartooy badan oo adduunka ka kala imaanayo.

Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Cabdiqani Siciid ayaa sheegay in xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ay soo codsatay dhalinyarada “Dhalinyaro ciyaartooy oo 3 ah ayaan dirnay, waxa ay qeyb ka yihiin barnaamij FIFA ay ugu magacdartay Saaxiibtinimada Kubbada Cagta, waxayna tageen Moscow, ujeedkana waxa ay tahay in dhalinyarada adduunka ka imanaya ee ka kala imanaya qaaradaha kale duwan ee adduunka ay is dhaxgal sameeyaan”.

Waxa ay da’dooda ka hooseysaa 17 jirada, waxayna ka dheelaan booska difaaca, taas oo ahayd shuruudii ay FIFA u baahnayd.

Soomaaliya waligeed kama aysan qeybgalin ciyaaraha adduunka, balse waa markii koowaad oo ciyaartooy Soomaali ah ay si rasmi ah qeyb uga noqonayso ciyaaro qeyb ka ah koobka adduunka, inkasta oo aysan ahayn kuwa rasmi ah, islamarkaasna koox ahaan aysan u dheeleynin.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply