Madaxweyne Trump oo isku dayaya inuu khafiifiyo walaaca Kuuriyada Waqooyi ay muujisay

Hiiraan Xog, May 18, 2018:- Madaxweyne Donald Trump ayaa iskudayay in sidiisii uu ku soo celiyo shirka uu la yeelanayo Kim Jong Un, isagoo u ballan qaaday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi inuu helayo ammaan haddii uu isaga haro hubka nukliyeerka ah.

2003, hogaamiyihii Liibiya, Mucamar Qaddaafi, ayaa waxa uu ogolaaday inuu isaga joojiyo barnaamijkii nukliyeerka ee uu waday hasayeeshee sanado kaddib ayaa waxaa dilay fallaago ay reer galbeedku baritaarayeen.

Mr Trump ayaa iska fogeeyay hadallada ka soo yeeray lataliyihiisa dhanka ammaanka, John Bolton, kaas oo ka caraysiiyay Waqooyiga Kuuriya kaddib markii uu tusaale ahaan ugu soo qaatay qaabkii hubka nukliyeerka looga dhigay waddanka Liibiya.

Pyongyang ayaa waxa ay ka digtay in kulanka aanan horay noociisa oo kale loo arag ay suuragal tahay inuusan qabsoomin hasayeeshee Trump ayaa sheegay in diyaargarowga uu soconayo.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply