Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay xaafad kamid ah magaalada Baydhabo

by B.A.M | Thursday, May 17, 2018 | 87 views

Hiiraan Xoh, May 17, 2018:- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa waxa ay sheegayaan in weerar bambo gacmeed loo adeegsaday uu fiidnimadii caawa ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qaraxan ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay xaafada Onodka oo ah goobta uu Qaraxa ka dhacay, dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in bartilmaameedka uu ahaa askari ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo xilligii afurka ka cunayay maqaaxi yar oo halkaasbku taal.

Hay’ adaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in Qaraxan ay ku dhaawacmeen ilaa afar qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Baydhabo, si dhaawacooda wax looga qabto.

Ciidanka ammaanka ayaa caawa baaritaano amni xaqiijin ah ka wada aagga uu weerarkan ka dhacay, waxaana ay ku daba jiraan raggii falkan geystay.

Magaalada Baydhabo ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka oo laba maalmood halkaasi ka socday, waxaana ammaanka uu ahaa inta uu shirka socday mid aad loo xaqiijiyay.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response