Bar koontarool oo kutaala duledka magaalada Muqdisho oo la weeraray

Hiiraan Xog, May 17, 2018:- Kooxo hubeysan ayaa caawa weerar ku qaaday laba barkontorool oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha ammaanka ee dowlada Soomaaliya.

Kooxaha hubeysan ayaa weeraro isku mar bilowday waxa ay ku kala qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Siinka-dheer iyo fariisin kale oo ciidamo Nabad Sugid ah ay ku leeyihiin xaafada Galmudug oo ka tirsan degaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca arrimaha bulshada degaanka Garasbaaley Mudane Cabdullaahi ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid kooban oo ciidamada ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale Guddoomiyaha arimaha bulshada degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in Hal askari uu weerarka dhankooda kaga dhaawacmay, balse iyaguna ay khasaare gaarsiiyeen kooxihi weerarka soo qaaday.

“Waxaan idin xaqiijinayaa in rag ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen degaanka laba barkontorool oo ku taalla, ciidamada way isku difaaceen dableydii weerarka soo qaaday, Hal Askari ayaa naga dhaawacmay, iyaguna dhankooda Saddex ayaan waxyeelo ka gaarsiinay.” Ayuu yiri Gudoomiye Cabdullahjaasi.

Dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan ayaa marqura dareemay cabsi, maadaama halmar ay rasaas is qabsatay, xaalada goobaha ay weerarada ka dhaceen ayaa hada waxa ay tahay mid degan, ciidamada ammanaka ayaa wada baaritaano amni lagu xaqiijinayo.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply