Hoobiyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog

Hiiraan Xog, May 16, 2018:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyal ah oo fiidnimadii caawa ku soo dhacay degmooyinka qaar ee ka tirsan gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa si wayn loga maqlayay hobiyaal ku soo dhacay, degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Boondheere ayaa la sheegay in ay ku soo dhaceen madaafiicda.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ciidanka ammaanka ay tageen dhawr goobood oo ay madafiicda ku soo dhacday, waxayna tilmaameen waxa dhacay in ay ahaayeen kuwo macmal ah.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen in aysan jirin ilaa hadda cid wax ku noqotay madaafiicda caawa laga maqlay magaalada gudaheeda, iyaga oo sidoo kale tilmaamay inay ku daba jiraan ragga falkan ka dambeeyay.

Jahwareer ayaa ka taagan Magaalada gudaheeda iyo cabsi xooggan oo ay dareemayaan dadka magaalada ku nool, waxaana dadka qaar ay ku xaadireen guryahooda goor sii horeysay oo caawa ah.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa qaba fikirka ah in Al Shabaab ay kordhiyaan weerarada ay geystaan bisha barakeysan ee Ramadaan, iyada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay diyaarisay ciidamo ka shaqeeya ammaanka inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply