Gudoomiye degmo hore oo caawa lagu weeraray magaalada Muqdisho

by B.A.M | Wednesday, May 16, 2018 | 129 views

Hiiraan Xog, May 16, 2018:- Wararka inaga soo gaaraya degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir laba bambo gacmeed ayaa caawa fiidkii lagu weeraray guriga gudoomiyihii hore ee degmada Hawladaag Maxamed Abuukar Jacfar, oo ku yaalla isla degmadaas.

Rag hubeysan ayaa laba bambo gacmeed ku weerartay guriga intaasi kadib waxaa rasaas afarta jiho u riday ciidan ilaalo ah oo ku sugnaa guriga.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan caawa lagu qaaday hoyga guddoomiyihii hore ee degmada Hawlwadaag Jacfar, oo sidoo kale hada ah Sarkaal ka tirsan ciidanka NISA Soomaaliya.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhaawacmeen ilaa laba askari oo ka mid aheyd ilaalada taliye Jacfar, waxaana dhaawacooda la dhigay mid ka mid isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu weerarka dhacay, waxayna saraakiishu sheegeen in lagu daba jiro Dableydii weerarka geysatay oo loo badinayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response