Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta ee dowlada Soomaaliya oo is casilay

by B.A.M | Monday, Apr 23, 2018 | 236 views

Hiiraan Xog, Apr 23, 2018:- Wasiirki labaad ayaa xilka iska casilay kadib markii uu sheegay in uu yahay musharax.

Ibraahim Isaaq Yarow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo uu hayay.

Ibraahim Isaaq Yarow oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu doortay iscasilaadaasi, kadib markii sida uu sheegay uu isku soo sharaxay xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu u gudbiyay warqada iscasilaadiisa, islamarkaana laga aqbalay, wuxuuna rajo ka muujiyay ku soo bixista xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan la qaban doono Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response