DAAWO SAWIRO:- Xaalada Biyaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Hiiraan Xog, Apr 23, 2018:- Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku sugan xaalad adag,kadib markii aay ka da’een roobab lixaad leh.

Shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa ku jira xaalad aad u liidata kadib markii uu ku fataha Wabiga Shabeelle oo mara bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaana muuqata in uu barakiciyay kumanaan shacab ah oo ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa ah magaalo can ku ah isku xirka gobolada dhexe ee dalka,waxaana ka jira ganacsi xoogan oo u kala goosha gobolada dalka iyo wadamada dariska ah sida dalka Itoobiya.

Maamulka Hirshabeelle ayaana wali la imaan wax qorsha ah oo ku saabsan fatahada uu sameeyay Wabiga Shabeelle,waxaana taas ka sii daran xernaashaha Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo u muuqda mid aad bur buray kadib markii ay ku soo rogmadeen wadiyaal biyo wada.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply