Xildhibaanda oo kulan la qaadan doono Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya

by B.A.M | Saturday, Apr 21, 2018 | 139 views

Hiiraan Xog, Apr 21, 2018:- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana ay ka hadlaan qodobo dhowr ah.

Qodobadda maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah Magacaabista Guddiga doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response