MAXAY SALKA KU HEYSAA DIBAD BAXYADA KA SOCDA KONFUR AFRICA

by B.A.M | Saturday, Apr 21, 2018 | 128 views

Hiiraan Xog, Apr 21, 2018:- Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu isaga laabtay shirka dalalka Barwaaqa sooranka uga soconaya magaalada London, si uu ula taacalo wax ka qabashada dibadbaxyo dalkiisa ka dhacayay.

Booliska ayaa rasaasta cinjirka ah waxa ay Jimcihii ku kala kaxeeyeen dad badan oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxa, waxyar un ka hor inta uusan madaxweynuhu gaarin gobolka ay dhibaatada ka taagan tahay ee Waqooyi Galbeed.

Iskudhacyada ayaa ka dhacay aagga ay dibadbaxayaashu ku dalbanayeen in la siiyo shaqooyin, guryo iyo weliba in musuq maasuqa la soo afjaro.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno arrintan ayaa waxaannu la xiriirnay Caamir Sheekh Xuseen oo ah aqoonyahan deggan Koonfur Afrika waxaana uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo marka hore waydiiyay, waxa keenay in Cyril Ramaphosa si degdeg ah dalka uu dib ugu laabto?

Waxaana uu sheegay Caamir in arintaa aad u adagtahay oo ay jiraan isku dhacyo u dhaxeeyo dadka mudaharadayo iyo ciidamada Booliska taas ayaana sababtay in uu madaxweynaha dalka ku soo laabto.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response