Doorasho Xildhibaan oo ka dhaceyso magaalada Dhuusa mareeb

Hiiraan Xog

Hiiraan Xog, Apr 15, 2018:- Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu waddaa in maanta lagu qabto doorashadda Kursi ka banaan Golaha Shacabka.

Guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in maanta la qaban doono kursigii uu ka geeriyooday allaha unaxariiste Bootaan Ciise Caalin.

Waxaa ku tartami doona Musharaxiinta kala ah Maxamed Cilmi Afrax ( mideeye) iyo musharax Cabdulahi Faarax wehliye.

Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso doorashadda ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dhammaan dhuusamareeb ku sugan Ergadii doorashadda ee dooran laheed Xildhibaanada.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply