Diyaaradaha Mareykanka oo duqeeyn ka fuliyay duleedka magaalada Kismaayo

by B.A.M | Friday, Apr 13, 2018 | 102 views

Hiiraan Xog, Apr 13, 2018:- Diyaaradaha aan duuliyaha laheeyn ee laga leyaha dalka Mareykanka ayaa Arbacadii ina dhaaftay Duqeyn la beegsaday saldhiga Al-shabaab ay ku leeyihiin Waqooyi Galbeed ee Magaalada Kismaayo, meel u dhaw degaanka Jannaay Cabdalle.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan si gaar ah loola beegsaday gaari Miineysan oo xubno Al-Shabaab ka tirsann ay saarnaayeen.

Mareykanka qoraalkiisa kuma aanu sheegin khasaare nafeed oo ururka Al-shabaab ay ku gaarsiiyeen Duqeyntan, balse wuxuu tilmaamay inuu burburiyay gaariga walxaha qarxa lagu soo raray.

Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay Duqeyntan oo dhacday 11-kii bishan April in ay iskaashi kala sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadibna ay fuliyeen.

Waa duqyantii 12-aad ee ciidamada Maraykanka sannadkan ka gaystaan gudaha dalka Soomaaliya taasi oo bartilmaameeedsatay xogaga Al-Shabaab.

 

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response