AKHRISO:- Taliyaha Nabad Sugida gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne oo la magacaabay

by B.A.M | Friday, Apr 13, 2018 | 739 views

Hiiraan Xog, Apr 13, 2018:- Maamulka Hirshabeelle ayaa xilka kanqaaday Taliyihii Nabad Sugida gobolka Hiiraan,waxaana la magacaabay taliye cusub.

Taliyaha Nabad Sugida maamulka Hirshabeelle oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa xilka ka qaaday taliyaha Nabad Sugida gobolka Hiiraan C/qaadir Maxamed Abuukar (Dhagaweeyne).

Taliyaha Nabad Sugida gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cabdi Maxamed Cali Aweys

Halka Taliyaha degmada Beledweyne loo magacaabay Colaad Cabdullaahi Cismaan

HALKAAN HOOSE KA AKHRIAO,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response