Dhimasho iyo dhaawac laga soo sheegayo dagaalka ka socda degaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Hiiraan Xog, Apr 11, 2018:- Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhimatay dagaal Beeleed maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Banyaalay ee hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalku uu dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed kuwaa soo kasoo kala jeedda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Waxaa ay sheegeen in dagaalkaan aysan waxbadan ka qaban karin Maadaama goobta ay jooggaan Maleeshiyo aad u hubeysan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan,islamarkaana ay nabad qaataan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dadaal badan ay ku bixin doonaan sidii loo soo Afjarilahaa Xiisadda dhawaan ay u diri doonaan Nabadoono iyo siyasiyiin.

Degaanka Banyaalay ayaa waxaa Sanadyadii lasoo dhaafay ku dagaallamaayay Maleeshiyo Beeleed , kuwaasoo isku heysta dhul daaqsimeed iyo ceelbiyood ku yaala degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply