DAAWO SAWIRO:- Madaxweyne Waare oo lacag ugu deeqay dhismaha wadada Janta Kundisho ee magaalada Beledweyne

by B.A.M | Monday, Apr 9, 2018 | 556 views

Hiiraan Xog, Apr 9, 2018:- Guddiga Horumarinta gobolka Hiiraan waxa oow mar walba ku howlanaa sidii uu ku qabsoomi lahaa mashruca 1aad oo noqday in dibu dhis lagu sameeynayo wadada muhiimka ah dhex marta magaalada Beledweyne ilaa halka ay uga darsanto laamiga halbowlaha ah ee isku xira Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya (Janta Kuundishe), hal kudhigga mashruucana waxaa laga dhigay “JEEBKA FURE JANTA GAAR”.
Haddaba Guddiga oo kulamo kala gooni gooni ah la soo qaatay bushada qeybaheeda kala duwan ee reer Beledweyne ayaa waxay fursad u arkeen inay si shakhsi ah ula kulmaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle H. E. Max’ed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugnaa xarunta ganacsiga ee maagaalada Beledweyne ahna caasimadda Gobolka Hiiraan, nasiib wanaag waan wada kulannay annaga ka guddi ahaan iyo Madaxweyne Waare waxaan u sharaxnay bilaaw ilaa heerka hadda la joogo wixii la soo maray ama howl la soo qabtay, aad ayuu ugu riyaaqay in bulshadu is abaabusho iskuna tashtaan noogu hambalyeeyay howsha baaxadda leh ee na hortaal, isaga oo na dhiiri gelnaya ayuuna noo ballan qaaday inuu mashruuca isagoo shaqsi ah ku taageeraayo lacag dhan $20,000 (Labaatan kun Doollar).
Waxaa marqati ma doonto ah Mr. Waare inuu sameeyay ama dhigay record cusub kana turjumay inuu ka mid yahay bulshada gobolka Hiiraan,waxaana halkaas uga mahadceliyay gudiga oo isku duuban.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response