AKHRISO Taariiqda Gudoomiye Jawaari, Wax badana Ka Ogow Qofka Uu Yahay

by B.A.M | Monday, Apr 9, 2018 | 418 views

Hiiraan Xog, Apr 9, 2018:- Abukaate Professor Maxamed Cabdullahi Sheekh Cusmaan Jawaari wuxuu sanadkii 1945 ku dhashay degmada Afgooye ee G/Shabeelaha Hoose.

  • Waa 73 sano jir kasoo jeeda gobolka Bay lakin kusoo barbaaray magaalada caasimada ee Muqdisho.

• WAXBARASHADIISA

Jawaari aqoonta uu leeyahay waa mid aad u sareeysa. Wuxuuu wataa inka badan 27 shahaado oo 14 kamid ay yihiin shaahoodooyiin taqasus ah.

  • Master Degree Qaanuunka iyo Sharciga ayuu 1982 ka qaatay Jaamacada Umada Somaliyeed

  • Shareecada Islaamka Diploma ayuu kaga qaatay jaamacadii talyaaniga ahayd Istituto Disciplina Islamica ee magalada Muqdisho.

  • Master Degree ayuu markale ka qaatay Machadka dalka Norway, wuxuuna sanado badan ahaa bare jaamacadeed.

  • Kadib Wuxuu Sudan ka diyaariyay Diploma 4 sano qeybta Siyaasadda iyo maamulka oo taqasus ah

  • Jaamacada UNESCO ee magaalada Muqdisho ayuu 1962 ka qaatay Shahaadada kowaad ee Luuqadaha.

  • Wuxuuna ku hadlaa AF Somali (maay iyo maxaa tiri), Ingiriis, Carabi, Talyaani, Norweigain.

• JAWAARI MUXUU HORAY U SOO QABTAY

  • Wuxuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka dowladdii kacaanka

  • Wuxuu markale isla dowladda kacaanka kasoo noqday Wasiirkii Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada

  • Intii u dhaxeeysay 1984 ilaa 1990 wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Barlamaanka.

  • Lataliye Qaramada Midoobe, gudoomiyihii qabyo qoraalka Dastuurka iyo Xoghayihii gudoonka Barlamaanka dowladii Siyaad Barre

MAANTA AYUU ISCASILAY

5 sano iyo 3 bilood ayuu xilka hayay, 2 jeer ayaa si sharci ah loo doortay.

  • Sida uu Muudeey sheegay, maanta ayuu iscasilay gudoomiye Jawaari oo cadaadis aad u xoogan kala kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumada oo mooshinka ku guuleystay.

• XILDHIBAAN JAWAARI

Maanta kadib Prof Jawaari waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Barlamaanka

Dadka inta badan wey ku kala aragti duwan yihiin iscazilaadii Jawaari. Qaar ayaa ka carooday halka asxaab kale leeyihiin waa si fiican 👀

Hadii aad aqrisay Fikirkaaga kudarso, Maxaad ku xasuusan doontaa Prof. Jawaari?

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response