AKHRISO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo is casilay

by B.A.M | Monday, Apr 9, 2018 | 278 views

Hiiraan Xog, Apr 9, 2018:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa is casilay, sida ay xaqiijiyeen Wsiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Howlwadeeno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa inoo sheegay Warqad uu soo qoray Gudoomiye Jawaari in Golaha uu kahor aqriyay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey, taasi oo ku aadaneyd inuu is casilay Prof. Jawaari.

Sidoo kale warqada waxaa lagu sheegay iyada oo Guddoomiye Jawaari u turay xaalada dalka inuu tanaasulay, Arabacadana uu khudbad ka hor jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu uga hadlo is casilaadiisa.

Warkan sidoo kale waxaa xaqiijiyay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil, Xildhibaan C/rashiid Daahir Gaboobe, Xildhibaan Ludfi Shariif iyo Xildhibaan Aadam Isaaq oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ku soo qoray in Gudoomiye Jawaari uu iscasilay, sidaasi awgeedna uu ku buray Mooshinkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya laga soo gudbiyay.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response