Mooshiin ka dhan ah Madaxweyne Waare oo ka socda magaalada Jowhar

Hiiraan Xog

Hiiraan Xog, Apr 8, 2018:- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay in ay saxiixeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Xubno ka mid ah raga Mooshinka Saxiixay oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho  ayaa xaqiijiyay in Mooshinka uu jiro islamarkaana dhawaan ay gudbin doonaan.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in ay sugayaan Xildhibaano kale oo ku maqan safar Kenya ah kadibna ay Mooshinka ku wareejin doonaan Guddoonka Baarlamaanka ee maamulka Hirshabeelle.

Wasiirkii hore ee Bey'ada iyo Hormarinta Hirshabeelle C/kariin Xasan doobyare ayaa sheegay in Mooshinka xubno badan ay saxiixeen ujeedkana uu yahay in xilka looga qaado Madaxweyne Waare oo hada ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maamulka Hirshabeelle waa maamulkii ugu dambeeyay Nidamka Federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegaa in daruufooyin badan ay ku hor gudban yihiin.

Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa inta badan ka soo horjeedo maamulka Hirshabeelle.

 

 

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply