Maamlka Hirshabeelle oo ka hadlay Haan ku soo caarisay degaanka Ceel-Macaan

Hiiraan Xog, Apr 8, 2018:- Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay Haan ku soo caarisay xeebaha degaanka Ceel-macaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Haantaan oo xiran ayaa wararka waxa ay sheegayaan in dadka degaanka ay ka cabsi qabaan inay sumeysan tahay, maadaama halis ay ku keeni karto deegaanka iyo nolosha shacabka.

Wasiirka Dakaddaha Maamulka Hirshabelle C/shakuur Cismaan ayaa sheegay in dadka shacabka ah laga rabo inay isdajiyaan, islamarkaana arrintaan baaritaan ay ku sameyn doonaan.

Wuxuu sheegay hanta inay arkeen iyada oo taala xeebta deegaanka Ceel-macaan, balse Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda oo iskaashanaya ay baarayaan waxa ku jira haantan.

Xeebaha Soomaaliya oo aan laheyn ciidan awood leh oo illaaliya, ayaa xilliyada qaar la isaga soo daadshaa haamaha ay ka buuxaan wasaqda, taasi oo dhibaato ku keenta dadka rayidka ah.

Maraakiibta Shisheeye ee sida sharcidarada ah ku mara Xeebaha Soomaaliya, ayaa qashinka iyo waxyaabaha kale ee dalalkooda ay ka soo fogeeyaan waxa ay keenaan xeebaha Soomaaliya.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply