DAAWO SAWIRO:- Taliyaha cusub ee Madaxtooyada Vila Soomaaliya oo xilka la wareegay

by B.A.M | Sunday, Apr 8, 2018 | 413 views

Hiiraan Xog, Apr 8, 2018:- Taliyaha cusub ee ururka 60Aad Ilaalada Madaxtooyada Vila Soomaaliya Gashaanle Odowaa Yuusuf Raage iyo Abaadulaha ururka 60Aad Ilaalada Madaxtooyada Laba xidigle Dayax Abdi Cabdulle ayaa Maanta la wareegay Xilka ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda Vila Soomaaliya Afcaddeeye.

Hoggaanka cusub ee Ciidamada Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ah dhalinyaro , waxaana uu taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Farmaajo ay isla garteen in dhalinyaro loo dhiibo Hoggaanka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyeyaasha cusub ayaa dad badan waxa ay Aaminsan yihiin in ay waxbadan kusoo kordhin doonaan Shaqadda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response