Qarax Miino oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Sheellaha Dhexe

by B.A.M | Saturday, Apr 7, 2018 | 163 views

Hiiraan Xog, Apr 7, 2018:- Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 4 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax Miino oo ka dhacay Duleedka Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe sidda ay Warbaahinta u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan Militiriga dowlada Soomaaliyeed waxaana uu ka dhacay Kontoroolka Degaanka Xaanshooleey oo 4 Km Waqooyi kaga beegan Magaalada Jowhar.

Dadka dhintay 2 ka mid ah waa Ciidamada dowladda, halka qof kalena uu yahay qof Shacab.

Qaraxa waxaa uu ahaa Miino lagu Aasay wadada dhinaceeda.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo badan oo ka baxay Magaalada Jowhar ee gobolka Sheeballha Dhexe.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response