Qarax Miino oo lagu weeraray ciidamo ku siijeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Hiiraan Xog, Mar 29, 2018:- Qarax Miino ayaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee howlgal ka waday inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo loo maleynayo in xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay ku aaseen wadada ayaa waxaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya lagula eegtay degaan 30-KM ujira Magaalada Beledweyne.

Khasaare dhaawaca ah ayaa soo gaaray Ciidamada Qaraxa lala eegtay, ilaa Shan Askari ayaa dhaawacmay, kuwaasi oo loo qaaday magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Sarkaal ka tirsan Millitariga Soomaaliya ayaa sheegay in Qarax Miiino lala beegsaday Gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen Ciidamada, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada xilligaasi ay ku guda jireen Howlgal ka dhan ah xogaga Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gobolka Hiiraan waxa ay ku soo bandhigeen Sahnad Millitari oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaal ay la galeen Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu dhawaan sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii guud ahaan gobolka Hiiraan Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa sidoo kalena loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka iyo Shacabka gobolka Hiiraan.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply