AKHRISO:- Xildhibaano sheegay in uu burburay Mooshinkii Gudoomiye Jawaari

Hiiraan Xog, Mar 29, 2018:- Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa taageersan Guddoomiye (Jawaari) kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in sharci ahaan uu burburay Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Xildhibaanada oo qoraal ay soo saareen ka koobnaa ilaa 6 qodob ayaa sababta Mooshinka uu ku jabay waxa ay ku sheegeen inuu dhamaaday waqtigii 10-ka maalmood ee uu soo jeediyay Aqalka Sare oo ka bilaabaneysay 18 bishan illaa 28 bishan.

Shir jaraa’id oo la qabtay markii kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada u aqriyay qoraal ka soo baxay Xildhibaanada Jaamac Maxamed Askar, isagoo xusay in wixii ka bilowda 28-ka bishan ku ekaa Mooshinkii Jawaari.

AKHRISO,

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply