AKHRISO:- Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo ka hadlay siyaasada Soomaaliya

Hiiraan Xog, Mar 27, 2018:- Horta Soomaaliyees ma baranay isticmaalka Hanaanka ISU-TANAASULKA SIYAASADEED?

Aqristow sababta aan su’aashan u soo qaatay waxay tahay:

Muddo badan oo ay dalkeena hareeyeen khilaafaad siyaasadeed oo inta badan Sabab u noqdaY burbur iyo guul daro siyaasadeed ee ku timaado hay’adaheena Dowladeed, taasoo aysan Hogaamiyaasheenu eegin qodob muhiim u ah xal ka gaarista khilaafaadka Siyaasadeed loogana fogaado burbur, guul daro Siyaasadeed ama Dagaal dhex mara dhinacyada Siyaasadeed ee is haysta.

Ereyga ISU-TANAASUL SIYAASADEED wuxuu leeyahay macna Siyaasadeed oo mugweyn waana erey Siyaasadeed Dunidu ka simantahay loogana gol leeyahay Hanaan Siyaasadeed oo suura galiya Isu-Soo dabac dhex mara dhinacyada Siyaasadeed ee ay soo weydaartaan khilaafaad ama ku kala aragti duwnaan Siyaasadeed si ay hab ilbaxnimo Dublamaasiyadeed ku dheehantahay ugu xaliyaan kuna soo afjaraan Khilaafka Siyaasadeed ee dhax yaala, ayadoo laga fogaanayo Guul daro Siyaasadeed ama Dagaal dhex mara labada dhinac ee is haya, Lana ilaalinayo Maslaxada guud iyo tan gaar ahaaneed ee dhinacyada.

Hadii aan gadaal wax yar ugu laabano Taariikhda Dowlad-Siyaasadeed ee Soomaaliya laga soo bilaabo 1960 kii ilaa Dowladdii Militarigu hogaaminayeen waxaa isbadalada Siyaasadeed ee Dalka ka dhacayay sal u ahaa khilaaf Siyaasadeed oo u dhaxeeyay dhinacyada Siyaasadeed ee ku hardamayay Hogaaminta Dalka.

Khilaafaadkaa Siyaasadeed ee soo dhaxmarayay dhinacyada Siyaasadeed Marna laguma Xalin Hanaanka ISU-TANAASUL SIYAASADEED si Dalka looga gudbiyo Marxaladda Siyaasadeed ee la soo daristay ayadoo la ilaalinayo Maslaxadda Guud iyo tan Gaarka ee dhinacyada is haya, balse waxaa lagu xalinayay Qaab ka fog ISU-TANAASUL SIYAASADEED sidii dhacdayba 21 October 1969 ee Militarigu Awood kula wareegeen hogaaminta Dalka.

Talaabta Awoodeed ee Militarigu kula wareegeen hoganka Dalka waxey meesha ka saartay oo ay Afgambisay Siyaasaddii Axzaabta badan ee Dimoqoraadiyadeed ayadoo horseeday marxalad kaligii-talis ah taa oo ku soo gabagabowday Guul daro Siyaasadeed oo sababtay Dagaal sokeeye ee uu Dalku ku burburay Dowladnimadiina ku luntay.

Sooyaalkaa Siyaasadeed ee aan milicsanay waxaan ka dhex fahmeynaa in aanan Aqoon isticmaalka Hanaanka ISU-TANAASULKA SIYAASADEED haddii aan Soomaali nahay.

Maadaama aan Khilaafyada Siyaaseed ee Soomaaliya lagu Xalin Hanaanka ISU-TANAASULKA SIYAASADEED intii ay Soomaaliya soo ahayd Dowlad, Wadiiqooyinkii kale ee la raacayna horseedeen Guul Darro, Burbur iyo Dagaal Sukeeya oo ka dhex qarxa Dhinacyadii Siyaasadeed ee iskhilaafay ayadoo ay la kala safteen Qabaa’iladii ay ka soo kala jeedeen: Ma dawbaa in maanta oo uu Dalku ka soo kabanayo Guul darradii Siyaasadeed, Burburkii Qaran iyo Dagaalkii Sokeeye in aan dib ugu laabano Waddadii hore ee noo horseeday Burburka, Guul darrada iyo Dagaalka Sokeeye?
Mise waa inaan Isbadal la nimaadaa oo aan la imaanaa ISU-TANAASUL SIYAASADEED si aan marxalada hadda taagan uga gudubno ayadoo uusan dhinac ka mida dhinacyada Siyaasadeed ee is hayaa uusan wayn Maslaxadiisa lana samata bixinaayo Maslaxadda guud ee Qaranka?

Maadaama aan ku soo khasaarnay Waddadii hore ee ka baxsaneed in aan Khilaafkeena ku xalisano Hanaanka ISU-TANAASUL KA SIYAASADEED kana dhaxalnay Burbir, Dowlad la’aan iyo Dagaal Sokeeye Dow maaha maanta inaan qaadno Dariiqii aan ku hoognay ee waa inaan la nimaadaa isbadal oo aan isticmaalnaa hanaanka ISU-TANAASUL KA SIYAASADEED.

Alle ayaa wuxuu inagu leeyahay Qur’aankiisa kariimka ah:
إِنَّ اللَّهَ لا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ} الرعد:11}
Aayadan 11 aad ee suuradda Al-Racad macnaheedu wuxuu yahay: {Alle kama badalo Xaalada ay Dad ku suganyihiin illaa ay ayagu ka badalayaan Xaaladda ay naftoodu ku suganyihiin} oo ah Xikmada Alle iyo Cadaaladiisa maaha in haddii ay Qowmiyadi Wanaag, Barwaaqo iyo Amni ay ku jiraan inuu ugu badalo Balaayo, Abaar iyo Colaad illaa ay ayagu iska badalaan Xaaladda ay naftoodu ku suganyihiin, Sidoo kale haddii Qowmiyadi ay ku sugantahay Balaayo, Abaar iyo Colaad in uusan Alle ka badalayn Xaaladaas ilaa ay ayagu la yimaadaan isbadal ay ku sameeyaan xaalada ay naftoodu ku suganyihiin.

Mar kasta waxaan Eebbe ka barinaa in uu naga dul qaado Dhibaatada, Abaaraha, Colaadaha iyo Amni la’aanta na haysta oo uu naga badalo Xaaladda ay Nafteenu ku sugantahay ee uu naga dul qaado Balaayada, Colaadaha, Abaaraha iyo dhibta na haysato.

Ma xuma in aan Arintaa Alle ka barina, laakiin waa inaan eegnaa waxa Eebbaha aan baryeeynaaa uu na farayo oo aan la nimaadaa Isbadal aan ku sameyno Xaaladda ay Nafteenu ku sugantahay ee ah inaan badalno wadada qaldan ee aan caadeysanay oo ah inaanan isku tanaasulin is qadarin isna colaadino.

Waa inaan u dhaqaaqno dhanka isbadalka oo ah in aan marno wadada ISU-TANAASULKA SIYAASADEED si aan xal u gaarno ugana fogaano Guul darro, Burbur iyo Dagaal ee aan u gaarno Xal waara iyo is aamin na dhax mara si aan Dalkeena iyo Dadkeena u gaarsiino Barwaaqo, Bari samaad iyo Nabad ay ku noolaadaan.

Waxaan nahay Dan-wadaag Gacal iyo Xigaalo ah uuna ka dhaxeeyo Diin, Dal, iyo Diir walaalnimo.

Dhamaan Soomaaliyoo idil Xaq ayeey u leeyihiin in ay Wadankooda ku helaan Nolol Barwaaqa ah ayadoo uu Qof kastaa si sharci ah xaq ugu leeyahay inuu Madax ka noqdo Wadanka ee uu qabto Masuuliyad Qaran heer kasta oo ay tahay, xaqna u leeyahay in lagula shaqeeyo Masuuliyadaas inta uu ku gudanaayo sifa sharci ah, ilaalinayana Sharciga.

Dhamaan Soomaaliyoo idil waxaa waajib ku ah Dhowridda Danaha Diinta, Dalka iyo Dadka Qowmiyadda Soomaaliyeed, guttaana Waajibaadka Qaran qiima kasta oo ay ku kaceyso.

Waa inaan badalnaa dhaqanka xun ee ah Cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyay iyo qaabka ka dhacsada ah ee aan kula kala wareegno Hogaanka Dalka.

Waa inaan noqono Ummad Heshiin karta oo leh Qiyam iyo Xeer ay Dhowraan.

Masuuliyaddu waa wareegto hadba qof qabanaayo Hogaanka Dalka, sidaa darteed waxaa loo baahanyahay in Masuul kasta lagu maamuso lagulana shaqeeyo xiliga uu hogaanka hayo, asaguna waa inuu aaminaa inuu Hogaanka haynayo xiligii loo jaan gooyay ee sharcigu u asteeyay uuna dhawraa Shuruucda Dqlka u yaalaa ogaadaana in ay sharci tahay in lala xisaabtamayo ka hor Xisaabinta Alle.

Waxaan ugu danbeyn ugu baaqayaa Hogaamiyaasha Soomaaliyeed in ay sameeyaan Hanaan ISU-TANAASUL SIYAASADEED oo ay isbadal sameeyaan.

Ceeb maaha inaad Xal Siyaasadeed oo nabadeed la timaado, ee waxaa ceeb ah inaad xal keenidda iyo isu tanaasulka ka noqotid ma dhalays ah macangag ah gari ma gasho mana ka baxdo.

Waa siyaasad xumo ineey kuu cuntami wayso inaad la wada hadasho oo aad la heshiiso Hogaamiye Siyaasadeed ee khilaaf Siyaasadeed idin dhax maray.

Waa inaan Waayaha wax ka baranaa oo aan ogaanaa inuusan Qof kaliya, Qabiil kaliya ama koox kaliya aysan isku koobi karin Hogaanka Dalka Xoogna wax ku maquunin karin,

waa macquul inaad maalmo, Bilo ama sanado aad Awood is bidid oo aad iska dhaadhicisid Awood wax ku haysasho laakin ogow in waqti kooban ka dib uu masiirkaadu mugdi galayo.

Kaliya waxaad faani kartaa oo aad guul sheegan kartaa markaad ogaatid in Rag iyo Dumar wax kaala dhaxeeyaan ilaalisidna sharciga isla markaana aad ku joogtid wadadii aad wax uga qaban lahayd Howlaha Aasaasiga iyo Howlaha Adeeg ee Qaranka.

Horaa loo yiri: (Rag Hooyadiina u haayoo Walaaloow wuxuu ku dhaamo la waa).

Mahadsaniddi.

Qore: Gudd. Abdifatah Hassan Afrah.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply