Dowlada Sacuudiga oo soo riday gantaallo Yemen lagaga soo riday

Hiiraan Xog, Mar 26, 2018:- Ciidammada Sacuudiga ayaa sheegay in ay soo rideen toddobo gantaal oo Jabhadaha Xuutiyiinta ah ee Yemen ay Sucuudiga ku soo rideen.

Saddexda gantaal waxaa lagu riday magaalada caasimadda ah ee Riyadh, hal ruux oo uu ku dhacay burbur gantaal ayaana geeriyooday, sida ay saraakiishu sheegeen.

Axaddii ayay ku beegnayd sannad guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii xulafada uu Sacuudiga hoggaaminayo ay ku duushay Yemen.

Jabhadaha Xuutiyiinta ah waxay bartilmaameedsanayeen dhawr goobood oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Riyadh.

Xulafadu waxay Iiraan ku eedeeyeen in ay Xuutiyiinta u gayso gantaallo, arrintaas oo ay diiday Tehran.

“Rabshadaha iyo ficillada daran ee ay wadaan Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto waxay caddayn u tahay in Iiraan ay wali sii waddo kaalmada milatari ee ay siiso ururkan hubaysan” ayuu yiri Turki al-Malki oo afhayeen u ah xulafada.

Wuxuu intaas ku daray “in gantaallada riddada dheer ee magaalooyinka lagu soo ganayo in ay tahay arrin cusub oo soo korortay.”

Goobjoogeyaal Riyadh ku sugan ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo ayna arkeen uuro.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in sidoo kale gantaallo lagu riday magaalooyinka Najran, Jizan iyo Khamis Mushait.

Jabhadaha Xuutiyiinta ah ayaa gantaallo badan ku ganay Sacuudiga billihii u dambeeyay.

Iiraan way diiday in ay hubaysay jabhadaha dagaalka kula jira Dawladda Yemen iyo xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo kaas oo socday tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2015kii.

Iiraan waxay sheegtay in gantaalladu ay yihiin “ficillo ka madax bannaan” oo loogu jawaabayo haysashada xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply