Dalka Masar oo la filayo in aay Doorasho ka dhacdo

Hiiraan Xog, Mar 26, 2018:- Cod bixiye-yaasha dalka masar ayaa kala dooranaya Madaxweynaha talada haya iyo musharraxa kaliya ee la tartamaya.

Cod bixiye-yaasha dalka Masar ayaa maanta oo isniin ah u dareeraya goobaha cod bixinta doorashadaas oo ay ka qayb galayaan Madaxweyne Abdel Fatah al-Sisi iyo hal musharax oo la tartamaya. Doorashadaan ayaa kooxaha xuquuqda aadana u dooda ay ku dhaliileen in dadka tartamayaa ay yar yihiin.

Cod bixiye-yaasha dalka masar ayaa kala dooranaya Madaxweynaha talada haya iyo musharraxa kaliya ee la tartamaya.

Moussa Mustafa Moussa waa hoggaamiye xisbi aan aad loo aqoon oo horay u taageeray Madaxweyne Siisi, Ninkaan ayaa ugu dambayntii ku dhawaaqay inuu yahay musharrax la tartamaya Madaxweynaha xilka haya.

Labo musharrax oo kale oo la tartami lahaa Madaxweyne Sisi ayaa isaga haray tartanka, halka mid saddexaad oo ahaa hoggaamiye hore oo militari la xiray, laguna eedeeyay in uu xilka madaxweynenimo u tartamayay asagoon haysan wax fasax ah.

Saacado ka hor inta aanan la furin goobaha cod bixinta saraakiisha Masar waxa ay sheegeen in ciidamadodu ay dileen lix mintidiin ah kuwaas oo ka dambayey qarax bambaano oo sabtidii lagu qaaday Magaalada Alexandria waxayna shegeen in ay ku bartilmaameedsanayeen Masuul ka tirsan laaamaha ammaanka.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply