DAAWO SAWIRO:- Xildhibaano Eedeyn u jeediyay Gudoomiye ku xigeenka kobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Hiiraan Xog, Mar 26, 2018:- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka  Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeeyay in uusan dhexdhexaad ka aheyd Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in la helo Guddoon dhexdhexaad ah si loo wajaho Mooshinka laga Keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay gaarayaan 100 Xildhibaan, islamarkaana ay la magacbaxeen Guddiga Badbaadinta Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in warkii shalay kasoo baxay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad uu muujiyay Kalsooni daro iyo in loo baahan yahay Guddoon dhexdhexaad ah oo howshaan wado.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply