DAAWO SAWIRO:- Qarax gaari oo ka dhacay degaanka Siinka dheer ee duledka magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Mar 25, 2018:- Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeeysa Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay Qaraxaasi, kuwaasoo oo la sheegay in wadeen gaariga Qarxay.

Gaariga ayaa ku qarxay meel ay ku yaallaan Guryo Jiinkado ah, waxaana Qaraxaasi uu sababay Burbur xooggan oo ka dhashay halkaas.

Gaarigaan ayaa ku Qarxay wado qardo jeex ah uu doonaayay inuu ka soo galo Magaalada Muqdisho, isaga oo rabay inuusan soo marin Koontaroolka Siinka dheer ee gaadiidka xamar soo gala lagu baaro sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha Amniga.





Be the first to comment

Leave a Reply