AKHRISO:- Masuuliyin ka tirsan maamulka degmada Beledweyne oo shaqada laga joojiyay

Hiiraan Xog, Mar 24, 2018:- Maamulka Hirshabeelle ayaa shaqa joojin ku sameeyay Duqa magaalada Beledweyne Cali Dhuux Mahadale.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasaarada Arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Duqa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shaqa joojintaan lagu sameeyay Duqa magaalada Beledweyne ayaa salka ku haaysa muran ku saabsan dhanka Canshuuraha laga qaado qebo kamid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka qaarna waxaa ay sheegayaan in Duqa magaalada Beledweyne uu ka soo hor jeestay shaqa joojinta lagu sameeyay.

Halkaan Hoose ka Akhriso Warqada Shaqa Joojinta.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply