Shaqsigii Qaraxyada ka gaysanayay dalka Maraykanka oo la shaaciyay

Hiiraan Xog, Mar 22, 2018:- Booliiska dalka Maraykanka ayaa magacaabay qofka looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay bambooyinkii bashqadaha ku jiray ee lagu bartilmaameedsaday magaalada Austin ee dalka Maraykanka, waxayna sheegeen in uu ahaa Mark Anthony Conditt oo 23 jir ah.

Wuxuu ku dhintay Qarax uu ka dhex sameeyay gaarigiisa ka dib markii ay ku soo dhawaadeen askar ka soo cayrsatay magaalada Round Rock oo ku taalla waqooyiga magaalada Texas.

Saraakiishu waxay sheegen in uu ku noolaa guri uu dad la wadaagayay oo ku yaalla meel 30km u jirta magaalada Austin.

Baareyaashu waxay sheegeen in aysan jirin walxo kale oo dheeri ah oo khatar ku ah bulshada.

Booliiska ayaa saxafiyiinta u sheegay in Condit looga shakisan yahay shan qarax oo dilay labo ruux, dhaawacayna lix ruux oo kale – muuqaal uu taleefankiisa ku duubayna ku qirtay in uu isagu qaraxyadaas ka dambeeyay.

Muuqaalka 25ka daqiiqo ah ayaa laga helay taleefankiisa ka dib markii uu Arbacadii is qarxiyay iyadoo booliisku ay ku raad joogaan.

“Wax argagixisanimo ah ma uusan soo hadal qaadin, wax nacayb ahna ma uusan soo hadal qaadin, balse waxay ahayd caro wiil yar oo caqabado la kulmay, wuxuu ka hadlay caqabado nolosha ka haystay” sida uu saxafiyiinta u sheegay madax booliiska ee Austin.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply