DAAWO SAWIRO:- Qarax gaari oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Mar 22, 2018:- Qarax Gaari ayaa ayaa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaaxi lagu shaaxeeyo oo ka soo horjeeda Hotelka Wehliye.

Gaari uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay ayaa beegsaday Maqaaxi lagu shaaxeeyo oo galabtii si aad ah loo soo camiro, sidoo kale waxaa halkaasi ku yaalla goobo ganacsi sida Dukaaman, goob Timaha lagu jarto iyo waliba Bakhaaro.

Dad goobjogayaal ah oo ka badbaaday Qaraxa ayaa inoo sheegay in halkaasi uu soo istaagay mar qura nin kaxeynayay gaari, kadibna uu uu is Qarxay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay soo eryanayeen gaariga Qarxay, Hay’adaha ammaankana ay ka warhayeen xogta gaarigan, balse inta aysan gacanta ku dhigin uu Qarxay.

Gaariga Qarxay oo nuuciisa lagu sheegay kuwa raaxada ayaa waxyeelo gaarsiiyay dad shacab ah oo halkaasi galbihii u taga sheeko iyo Shaax, balse galabta ay halkaasi ay dhibaato ku qabsatay.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna Ciidamada xireen aagga uu Qaraxa ka dhacay, iyaga oo baaritaano halkaasi ka wada.

Saraakiisha Gaadiidka deg deg ah ee Ambalaasta ayaa Warbaahinta u sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda Caafimaadka, kuwaasi oo qaaday dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxan, khasaaraha ugu badan wuxuu soo gaaray dad halkaasi ku lahaa goobo ganacsi, sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaallla iyo gaadiid.

 





Be the first to comment

Leave a Reply