Professor caan ahaa oo Geeriyooday

Hiiraan Xog, Mar 14, 2018:-  Professor Steven Hawking, oo ahaa saaynisyahan caan ku ahaa cilmiga Physics-ka ayaa geeriyooday isagoo dadiisu tahay 76, professorka ayaa ku dhintay gurigiisa oo ku yaalo Cambridge cariga wadanka ingiriiska, hadaba ninkan ayaa ahaa nin dunida caan ka ahaa muran badane dhaliyay isagoo si cad u aaminsanaa in uusan ilaah jirin, Professor Hawking ayaa waxaa ku dhacay cudurka Neurone disease markuu jiray 21 sano, cudurkan ayaa bukaankisa ka weerara unugyada maskaxda iyo neerfaha, wuxuuna professorka ku qaatay inta badan  noloshiisa kursiga curyaamiinta.

waxuu professorka ku caan baxay buugiisi ahaa A Brief History of Time oo uu qoray isagoo dadiisa tahay 21 sano ka hor inta uusan jiran, buugan ayaa noqday mid caan ka noqday dunida iyo goobaha akadamiga ee caalamka,waayo buugan ayaa waxuu aad u falanqeyay arimaha sida hawada sare, jiritaanka eebe iyo waxyaabo kale oo badan.

Professorkan ayaa uga digay caalamaka in hadii aanan laga guurin arladan mudo 200 sano gudaheeda ah waxaa baabi’doona jiritaan baniaadanka, professorka ayaa soo jeediyay in la sahmiyo Meeraha Maaris si loo badbaadiyo isirka bani adanka, maadama isbadalka cimilada uu gaaray heerkii ugu xumaa, professorka ayaa sheegay in aduunka uu baabi’doona iyadoo dhagaxaan danbaaburo ah eey ka soo dhici doonaan wahada sare (comets), isagoo sheegay in sharciga physics uu qabo sidaa eeyna tahay mid aan la hareermari karin.

Professorkan ayaa waxaa sidoo kale lagu xasuusan doonaa in uu aad u sharaxay Black holes ku yaalo hadawada sare taa oo caalmka siyaaba kala duwan loo fasirtay.

 

 

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply