DAAWO SAWIRO:- Qeybti sadaxaad Maxaabis laga keenay Liibiya oo soo gaaray Muqdisho

by B.A.M | Wednesday, Mar 14, 2018 | 323 views

Hiiraan Xog, Mar 14, 2018:- Maxaabiis Soomaaliyed oo laga keenay dalka liibiya ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa illaa 13 dhalinyaro ah oo doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska diideen in dalkooda lagu soo celiyo.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhalinyaradan waxa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa waxaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka liibiya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dhalinyaradaasi xabsiyada ku xiran dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa, inta doonaysa in dalka dib loogu soo celiyo.

Waa qeybntii Saddexaad ee laga soo daayay dalka Liibiya,waxaana la filayaa in lagu soo dayo maxaabiis kale oo ku jirta xabsiyada dalka Liibiya.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response