DAAWO SAWIRO:-Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ku booriyay Dhalinyarada dadaallada ay ka wadaan Kismaayo

by B.A.M | Wednesday, Mar 14, 2018 | 355 views

Hiiraan Xog, Mar 14, 2018:- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhalinta Ubaxa Nabada Jubbaland kala qayb qaatay qurxinta iyo Calaamadaynta wadooyinka Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhalinyradan is xilqaamay ku booriyay dadaal kooda qaybta ka ah dib u dhiska wadanka iyo soo celinta bilicda Magaalada isagoo sheegay in ay qayb muhiim ah ka tahay isku tashiga dadweynaha.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in maamulka Jubbaland uu si weyn uga qeyb qaadan doono sidii Magaalada Kismaayo loo horumarin lahaa.

 

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response