DAAWO SAWIRO:- Ciidamada maamulka Puntland oo gubay Qaad laga keenay Somaliland

by B.A.M | Wednesday, Mar 14, 2018 | 329 views

Hiiraan Xog, Mar 14, 2018:- Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa meel fagaaro ah oo ku yaala duleedka magaalada Boosaaso ku gubeen Jawaano Qaad ah.

Waxa ay sheegeen in Qaadkaasi uu si sharci darro ah loosoo galiyay Puntland, kadib markii xogtiisa heleen.

Ciidamada Ammaanka ee maamulka Puntland waxa ay xaqiijiyeen in Qaadkaan in Puntland lagasoo galiyay dhinaca Somaliland sida ay hadalka u dhigeen sarakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Waxaa Qaadkaan uu u rarnaa ganacsato reer Puntland ah oo doonayay inay si qarsoodi ah kusoo galiyaan gudaha magaalada Boosaaso, iyagoo ka cararay in la canshuuro sidda ay sheegen ciidamada Ammaanka ee maamulka Puntland.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response