DAAWO SAWIRO:- Wafdi ka socda dalka Turkiga oo gaaray magaalada Hargeeysa ee Somaliland

Hiiraan Xog, Mar 13, 2018:- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Turkey-ga oo uu hoggaaminayo safiir ku-xigeenka dalka Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, isla markaana looga midho dhalin lahaa waxna looga beddeli lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore uga dhici jiray dalka Turkiga.

Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wada hadlay kaalmada Turkigu bixiyo in Somaliland wixii ay qayb u leedahay aanu u soo marin cid kale oo ay waxeeda gaar u hesho.

Ugu danbayn Waxa uu safiir ku xigeenku balan qaaday in dhinacooda ay Arrimahaasi xil iska saari doonaan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hadiyad ku doonsiyay Safiir kuxigeenka dalka Turkiga.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply