DAAWO SAWIRO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo Shahado sharaf gudoonsiyay sarakiil katirsan Qaramada Midoobay

Hiiraan Xog, Mar 13, 2018:- Saraakiil ka socota Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana ku qaabilay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Saraakiishan oo ka tirsan Booliska Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkan dambe Maamulka Koonfur Galbeed kala shaqaynaayay dhanka Ciidamada iyo Arrimaha ammaanka maamulka Koofur Galbeed.

Bengt Gronlund ayaa horkacayay saraakiishan, waxayna Kusimaha Madaxweynaha ay is dhaafsadeen tallooyin ku aadan suggida nabadgelyada iyo weliba dhismaha Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiishan oo dhameystay muddo xiloodkoodii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayuu Wasiir Xasan (Eelaay) guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo hadiyad uu ugu talagalay, iyagoona kaga mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay.

 





Be the first to comment

Leave a Reply