AKHRISO:- Xildhibaanada Aqalka Sare oo Isku raacay in Guddi loo saaro Kiiska Cabdi qeybdiid

Hiiraan Xog, Mar 13, 2018:- Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday Weerarkii lagu qaaday Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Kulanka oo socday Saacado badan  ayaa ugu dambeyntii Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay soo jeediyeen in loo saaro guddi, maadaama Xildhibaan Cabdi Qeybdiid uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn Guddigii uu Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray Kiiskiisa.

Waxaa soo xaadiray kulanka 28 Xildhibaan, 23 ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in guddi loo saaro arrinta Cabdiqeybdiid, 4 Senatorka waxa ay u codeeyeen in Ra’isul wasaaraha loo yeero halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Gudiga ayaa looga fadhiyaa in aay kiiskaan aay soo baaran warbixiin buuxdana ka keenan.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply