AHRISO:- Wasaarada Amniga Soomaaliya oo amar dul dhigtay Ganacsatada Soomaaliyeed

by B.A.M | Tuesday, Mar 13, 2018 | 366 views

Hiiraan Xog, Mar 13, 2018:- Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa ka hadashay Amarkii ka Soo baxay Al-Shabaab oo ku sabsanaa in ay xeraan ganacsatada garoomada salaxa ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, C/casiis Xildhibaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin arrimahan islamarkaana ay tallaabo cad ka qaadi doonaan cidii lagu helo in ay lacag u diraan Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale Afhayeenku sheega in ganacsatada guud ee gobolka Banaadir gaar ahaan milkiilayaasha garoomada salaxa ee lagu ciyaaro Kubbadda Cagta aanay u hoggaansami karin ammar la sheegay in ay dul-dhigeen Al-shabaab, iyagoo ka baqaya han-jabaadaha ay u jeediyaan. kaasi oo ah inay xiraan Garoomadaas.

Waxuu intaa ku daray in magaalada Muqdisho ay amnigeeda sugaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, hasse ahaatee aan loo dulqaadan karin in ay dhaqangalaan ammaro Al-shabaab ka soo baxa.

“Waxaan uga digeynaa ganacsatada in ay lacag siiyaan Al-shabaab, iyaga oo u marinaya Xawaaladaha, Telefoonnada, Banggi ama si toos ah, cid walbo oo lagu arkana waxaa la hor geyn doonaa Maxkamadda ciidamada qalabka sida” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay la shaqeeyaan ciidamada Amaanka si looga hortago falalka amni darrada ee lagu waxyeelaynayo Shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response