Tirinta cod-bixintii doorashada sharci dejinta dalka Colombia oo socota

Hiiraan Xog, Mar 12, 2018:- Ku dhowaad dhammaan codadka codbixintii doorashada sharci dejinta ee dalka Colombia ayaa la tiriyay. Axsaabta Conservative oo aad uga soo horjeestay heshiiska nabadeed ee kooxdii hore ee mucaaradka FARC ayaa hoggaanka haya.

Kooxdii FARC – oo hadda ah xisbiga siyaasaffa ee garabka-bidix ayaan natiijo wanaagsan ka helin cod bixinta.

Waa cod bixintii ugu horreysay ee dhacda tan iyo markii ay dowladdu oggolaatay inay heshiis nabadeed la gasho kooxdii mucaaradka FARC.

Madaxweyne Juan Manuel Santos wuxuu sheegay in codayntani ay ahayd mid taariiikh u ah dimuquraadiyadda dadka reer Colombia, kaddib in ka badan 50 sano oo khilaaf ah, dagaallamayaashii hore waxay u halgamayeen isbeddel ayagoo adeegsanaya siyaasad, balse aan rabshad abuuraynin.

Hase ahaatee heshiiska nabaddu wuxuu leeyahay dhaliillo badan, xisbiyada mucaaradka ah waxay dareemayaan in dowladda Santos ay aad ugu dabacsan tahay kooxda FARC

Saddexdaas dagaallamayaal ee hore waa inay wajahaan caddaalladda inta aan loo oggolaan in ay u tartamaan xafiiska.

Waxaa dhici karta in carada loo qabo xukuumadda la arko inta lagu gudo jiro natiijooyinka doorashada.

Xisbiyada midigta ayaa quud darreynaya in ay ku guuleystaan qayb libaax oo ka mid ah Congress-ka, iyagoo xoojinaya cududdooda kahor inta aan la gaarin doorashooyinka madaxtinnimada ee dhici doonta bisha May.





Be the first to comment

Leave a Reply