SAWIRO:- Ciidamada Booliska Soomaaliya oo rasaas ku furay gaari marayay wadada Sayidka ee magaalada Muqdisho

by B.A.M | Monday, Mar 12, 2018 | 239 views

Hiiraan Xog, Mar 12, 2018:- Ciidamada Booliska ee ku sugan meel ku dhaw Koontaroolka Sayidka ee Magaalada Muqdisho, ayaa rasaas la dhacay gaari noociisa uu yahay kuwa aan xabada karin ee loo yaqaan (Proof), kadib markii uu isku dayay inuu maro Koontaroolka iyadoo aanan la baarin.

Ciidamada ayaa gaarigaasi ku furay rasaas, waxaana ay sababtay rasaastaasi gaari in taayarada ay kaga dhacaan oo taayarada ay fariistaan, iyadoo wadaha gaariga markii la rasaaseeyay xittaa uu ka biyo diiday inuu soo dago.

Koontaroolka gaarigaan lagu rasaaseeyay ayaa waxaa ku sugan ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana uu hadda yaalla gaariga meeshii lagu rasaaseeyay.

Inta badan gaadiidka aan xabadaha Karin waxaa iska leh masuuliyiinta dowladda, iyo kuwa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Federalka Soomaaliya.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response